Boholnewsone
TALIYE NUUX TAANI OO KU GUULDARAYSTAY HOGAAMINTA CIIDAMADDA MILATARIGA SOMALILAND + CIIDAMO KU GADOODSAN GOBOLKA SANAAG
May 31, 2019 hargeisa.
Taliyaha ciidanka milatariga somaliland nuux ismaaciil taani ayaa ku guul daraystay hogaaminta ciidanka qaranka somaliland waxaana mudooyinkii uu xilka hayay soo badanaya kacdoonadda ay ku kacayaan ciidamadda milatarigu iyadoo xaalad adagi ka taagantahay gobolka sanaag gaar ahaan barigiisa halkaas oo saraakiil ka tirsan ciidamadda milatariga somaliland ka goosteen
si kastana ha ahaatee taliye nuux ismaaciil taani ayaa u muuqda taliye ku fashilmay hagida iyo hogaaminta ciidanka iyadoo taasi keentay in mudadii uu xafiiska joogay ay faraha ka baxaan ciidamadda ka goosanaya somaliland una goosanaya dhinaca puntland iyo caarre
isku soo wada duuboo xaaladda gobolka sanaag ayaa aad u kacsan waxaana lala wareegay xeryo ay lahaayeen ciidamadda qaranku.
Isha Ku Hay Boholnewsone.
Waa Qalinkii saleebaan Cllaahi sheikh.
£saleebaan Suldaan.